Waaxda Qunsuliyada Safaaradda Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Ankara Turkey, waxaan mar kale ku  wargelinaynaa Muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku nool dalka  Turkiga in ay 6 (Lix bilood) ka hor dhicitaanka basaboorka soo xareystaan.

Caddeynta  Dhalashada:

  •      2 Sawir
  •      Degananshaha wadanka ama basaboorka uu ku soo galay
  •      Warqadda caddeynta dhalashada
  •      Muwaadinka baasaboorkiisa
  •     Warqada dawlada hoose (dhalashada)
  •      Shakhsiga qaxootiga ah:   Warqadda caddeynta qaxootınımada iyo kaarka qaxootiga UNHCR.

 Ardayda wadanka Turkey wax ku barata

  • Aqoonsiga ardaynimadiisa
  • Ciqaamada uu wadana ku joogo 
  • Baasaboorka  oo dhicitaankiisu ka hadhsantahay 6  (lixbilod)

Shahaadada Guurka

  • Shahaadada guurka (soomaaliya) ama dal kale.
  • Diiwaan gelinta nikaax sharci Caddeyneysa taarııkhda dabaldega  guuurka xiliga uu dhacay ku cadahay. 
  • Ciqaamada wadanka uu ku joogo ama baasaboorka uu ku soo galay  
  • Shakhsiga qaxootiga ah: Kaarka qaxootinimada iyo warqadda aqoonsiga UNHCR.
  • Haddii qof ajnabi dal kale ah uu guursanayo muwaadinad Soomaali ah waa in ay labadooduba soo  bandhigaan baasabooradooda oo asalka ah.
  • Shaahadada guurka waa in la soo mariyaa tasdiiqa  wasaarada cadaalada iyo arrimaha dibada

Garoob/Carmal

  • Shaqsiga guursanaya haduu carmal yahay waa in uu haysto caddeyn geerida lamaanihiisa hore. 
  • Codsadaha waa in uu heysto warqadda furitaanka
  • Shahaadada furiinka waa in laga soo tasdiiqiya wasarada cadaalada iyo wasaarada arrimaha dibada

Warqad Doobnimo

  • Baasaboor leh soo gelitanka wadan
  • Ciqaamad uu wadanka ku joogo
  • Haddii qofku yahay qaxooti. Wa inuu sitaa waraqadda qaxootinimada iyo ogolaanshahii Unhcr

 Shahaadada Geerida

  • Wa in cusbitaal soo cadeeyaa lagana soo tasdiiqiyaa wasaarada arrimaha dibada
  • Aqoonsi (ID Card) ama bassaboor soo gelitaan leh

Dalka Ku Noqoshada (Go home)

  • 2 sawir
  • Tiketka Duulimaadka
  • Warqadda Poliska cadaynaysa inuu wadanka ka bixi karo haddii uu qaxooti yahay
  • Warqad codsi haddii uusan qaxooti ahayn
  • Warqada aqbalaadda UNHCR
  • Hadii uu documenti ka lumay warqada poliska cadaynaysay inuu ka lumay

Wakaalada bixin

  • Basaboor soo gelista dalka Turkey
  • Ciqaamad aan dhacsanayn
  • Qofka wakalada lagu wareejinayo documentigisa (baasaboor, ID card )
  • Documenti uu ku cadyahay  waxa la wareejinayo (nooca ay doonto ha noqotee)

Wakaalad wareejin

  • Muwaadinka wareejinaya masuuliyada wa inuu soo sameeya warqad nootayo soona marsiiya Tasdiiqa Wasaarada cadaalada iyo wasaarada arrimaha dibada

NB: Muwaadiniinta soomaaliyeed waxan ka codsanynaa in ay nala ilaaliyaan sax ahaanta documentiga Soomaaliga si loogu kalsoonaado.

Waxan kaloo rajeynynaa in la  dhawro shuruucda iyo qawaaniinta wadanka aan martida nahay u taala. Waayo wa wadan aan saaaxiib dhawnahay xidhiiidh wanaagsana ka dhaxeeyo labada wadan; Soomaaliya iyo Turkey.

Allah mahad leh